LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Sidee loo maareeyaa waqtiga (time management))


 Waqti waa hagaha guusha nolasha iyo shaqada 

Waqtigu waa hantida ugu qaalisan ee qofku haysto.  Lacag waa la heli karaa, fursad waa la abuuri karaa, laakiin waqtiga haduu tago dib looma soo cilin karo. 
Sidee darteed maareynta waqtigu(time management) waa xirfad muhiim ah oo qof walbe u baahanyahay si uu ugaaro guul nololeed iyo mid shaqo.
Qormadaan waxaan si faahfaahsan ugu hadli doonaa sida ugu wanagsan ee waqtiga loo mareyn karo. 

Maxaa loo yaqaan mareynta waqtiga?

Mareynta waqtiga waa habka aad u qorshayso Una nadaamiso 
Sida aad waqtiga ugu kala qaybinayso howlaha kala duwan ee kuu yaal. Ujeedaduna waa inad shaqo yar ku qabato waqti yar adigoo illalinaya tayada iyo caafimaad maskaxdada. 


Dada badan ayaa dareema in waqtigu ku yaryahay,  laakiin dhibaatadu waa sida loo istimaalo.

Muhiimada mareynta waqtiga 


Wax soo saar badan: marka aad si fican u qorshaysi waqtigaga waxaad awood I yeelanaysaa inad qabato howl badan oo tayo fican leh. 

Qorsha la,aantu waxay keentaa caadadas badan, walwal iyo jahwarer maareyntu waxay yareysaa culaysķa. 

Go,aan qaadashu wanagsan:  marka aad waqtiga sifican u istimaasho waxaad heli kartaa fursad aad ku fakarto. 

Hormur shaqsiyadeed:waxaad heli kartaa waqti aad ku barato xirfad cusub ama aad ku hormariso naftaadad. 


Caqabadaha maareynta waqtiga

Waxaa jira waxyaabo badan oo carqaladeeya maareynta waqtiga waxa ka mida 
  • Dib u dhigista 
  • Qorsha la,aan
  • Qalqal mashquul 
  • Howlo badan oo isku mara 


Xeeladaha maareynta waqtiga 


Sameey qorshe maalinle ah: maalintaada ku bilow qorshe cad. qor howlaha aad rabto inaad qabato kana dhig kuwa mudnaan kala leh,
 
Kala saar howlaha muhiimka ah:

Dhamaan howlaha isku mid ma aha 
Qaar waa muhiim qaarna waa degdeg. 
Istimaal habka kala saarista (priority system)

Isticmaal habka "pomodoro "

Habkani wuxuu ku sahlayaa inad shaqeyso  25 daqiiqo oo xariir ah kadibna aad nasato 5 daqiiqo, tani waxay kaa caawinaysaa inadan ku daalin howsha .

Kagow waxayaabaha kaa Qalqal galin kara howshaada sida talefanka ama sheekada dadka. 

Baro inad Maya tiraahdo 

Marar ka qaar waxaa laga yaabaa  inad aqbasho howlo badan oo kabadan awoodada.
Baro inad diido waxyaabaha aan muhiim ka ahayn. 

Dhamaadka maalinki dib u eeg waxad qabatay 
Tani waxay kuu sahlaysaa inad fahanto halka waqtigagi ku baxay iyo sida aad u haagaajin karto. 

Waxan kugula talin lahaa markaste howsha ugu adag inad ku bilowdo markad firfircoontahay.

Kala jabi howlaha waa weyn si ay u noqdaan kuwa fudud. 



Post a Comment

0 Comments