Hurdadu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nolasha aadanaha, balse dad badan ayaa la tacaala hurdo xumo ama jadwal hurdo oo khaldan. Hadii aaad dareento daal joogto ah ,caajis, akhris iyo howsha oo ku dhiba ama inadan seexan Karin waqti dheer waxaa macquul ah aan u baahantahay hagaajin hurdo.
Qormadaan waxaan uga hadli doonaa waxa sababa hurdo xumada iyo sida loo saxo hurdada si aad u hesho nasasho tayo leh.
Muhiimada hurdada caafimaad ka leh
Hurdudu Mahan oo kaliya nasasho jirka ah, ee waa waqti ay maskaxdu Dib isku habayso, xasuusaha xoojiso, jirkuna uu Dib u cosboonado.
Hurdada wanagsan waxay kor u qaadaa caafimaad ka guud waxayna yareysaa halista cudurada sida dhiig karka, sokorowga, iyo walwal ka maskaxda dadka hela hurdo ku filan waxay feejignan sare, niyad wanagsan iyo wax soo saar fican.
Sababaha keena hudo xumada
Waxaa jira sababa badan oo sameeyaa hurdada waxaa ka mid ah
1. Istimaalka taleefan iyo shaashadaha habeenkii
Iftiinka ka imaanaya shashada wuxuu carqaladeeya horrmoonka hurdada (melatonin).
2 . Cabitaanka kafe ama shaah badan
Gaar ahaan galabtii iyo habeenkii.
3. Walwal iyo stress
Maskaxda mashquulsane ma ogala in si dabiici ah hurdo uga timaado.
4 . Jadwal hurdo oo aan sax ahayn
Seexashada iyo toositaanka waqti kala duwan maalin kaste
5 . Deegaanka hurdada oo aan haboonayn
Sida buuq, iftiinka badan ama heerkul aan haboonayn.
Taloyinka lagu saxo hurdada
Sameey jadwal hurdo oo joogto ah
Isku day inad seexato isku waqti isla markaasna aad toosto waqti isku mida subax kaste .
Xitaa malmaha fasaxa Tani waxay caawinaysaa
Jirkaagu inuu yeesho sacad dabiici ( biological clock)
Kafagow shashadaha hurdada ka hor
Ugu yaraan hal saac ka hor intadan seexan iska illaali istimaalka taleefan.
Sameey deegaan hurdo oo fican
Kadhig qolkaaga hurdada mid degan, mugdi ah
Oo qabow yar leh .
Sameey farsamooyinka nasashada sida
Sida ducada quraan aqriska ama dhageysiga quraanka waxay kaa caawinaysaa inay nasato maskaxda ka hor hurdada.
Iska illaali cuntooyinka calculus ka hordada
Cuno badan ama culus oo la cuno habeenki waxay keeni kartaa raaxo daro iyo hurdo xumo.
Ha seexan maalinkii waqti dheer
Hadii aad maalinti seexanysi ka dhig waqti gaaban sida 20 ilaa 30 daqiiqo maxaa yeelay hurdada badan ee malinti waxa carqaladeyn kartaa hurdada maalinti.
Ugu danbayn hadii aad raacdo Dhamaan talooyinkaan oo aadan wali hurdo helin
La xareer dhaqter caafimaad waxaa macquul ah inad qabto xaalad caafimaad sida insomnia ( hurdo la,aan) sleep apnea ama walwal maskaxda ah xaaladahaas waxaa ku fican daawin caafimaad.

0 Comments