LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Faaiidoyinka caafimaad ee qofka ay u leeyahay cabista biyo badan.

biyuhu waa tiirka nolasha aadanaha. 
Jirka bini,aadamka intiisa badan waxa uu ka koobanyahay biyo,  intaa oo muujinaysa sida ay qofka muhiim ugu tahay caafimaad ka guud ee qofka. 
Dad badan ayaa lakulma dhibaatooyin caafimaad ee ka dhasha biyo yari  ayagoo aan ogayn in xalku yahay cabida  biyo badan.

Qormadaan waxan is faahfaahsan ugu hadlaynaa faaiidooyinka caafimaad ee leedahay in la Cabo biyo badan.

Kahortaga fuuqbaxa (dehydration)
Waa xaalad ka dhalata Marka jirku waayo biyo ku filan. 
Calaamadaha fuuqbaxa waxaa ka mida madax xanuun, daal, wareer,  af qalalan iyo kaadi yari.  Cabida biyo badan waxay jirka ka ilaalisaa xaaladaan,  waxayna hubisa in unug yada jirku helan dareerihii ay u baahnaayeen.

 Hagaajinta shaqada kilyaha 

Kelyahu waa xubnaha mas'uulka ka ah sifeynta qashinka iyo sunta ku jirta  jirka. 
Marka qofku cabo biyo ku filan,sifudud ayey kelyahu u shaqeeyaan 

Dheef shiidka wanagsan iyo calool fadhiga
Biyaha  waxay door muhiim ah ka ciyaaran dheef shiidka cuntada.waxay caawiyaan burburinta cuntada iyo nuugista nafaqooyinka jirku u baahan yahay.  Dadka biyo yar caba inta badan waxay lakulmaan calool fadhi iyo dhibaatooyin dheefshiid. 

Qurxinta maqaarka 
Maqaarku waa xubinta ugu weyn jirka, wuxuuna u baahanyahay biyo ku filan si uu u ahaado mid caafimaad qaba.

Kordhinta tamarta iyo yareynta daalka .
Daalka joogta ah ma aha mararka qaar hurdo yari ama cuno yari , balse waa biyo yari.
Marka jirku helo biyo ku filan,wareega dhiigga ayaa hagaaga  oxygen tana si fiican ayey 
Ugaartaa maskaxda iyo murqaha.


Xakameynta heerkulka jirka 
Jirka aadanuhu wuxuu u baahan yahay heerkul go,an si uu si sax ah ugu shaqeeyo ,  
Biyaha ayaa ka qayb qaata, qaboojinta jirka .



Post a Comment

0 Comments