LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Sidee loo ilaaliyaa caafimaadka maskaxda


 Caafimaad ka maskaxdu waa tiir muhiim u ah nolasha  aadanaha. sida aan u ilaalino jirkeena, cuno nafaqo lehna usiino, Isla  sidaas oo kale ayey muhiim u tahay inan  maskaxdeena ilaalino. Maskaxda caafimaad ka qabtaa waxay saamayn saxan ku leedahay fikinkeena, dareenkeena  go,aannadeena, iyo xirirka aan laleenahay bulshada.  Qormadaan waxay si faahfaahsan uga hadalaysaa sida loo ilaaliyo caafimaad ka maskaxda, aydoo la geeyo dhinacyo  Kala duwan,  sida nolal maalmeedka,  xirirka bulshada. Iyo maaraynta cadaadiska.

Waa maxay caafimaadka maskaxdu ?

Sida ay qayaxeen world health organization(WHO) waa xaalad uu qofku awoodo inuu ka faa'iidaysto kartidiisa, latacaalo culaysyada nolasha si wax ku ool ahna u shaqeeyo.

 Jimcsiga joogtada ah

Jimicsigu ma xoojiyo jirka oo kaliya balse wuxuu si toosa u  sameeyaa maskaxda . Jirku wuuxuu soo daayaa hormoonno loo yaqaan" Endorphins " oo kor u qaada farxada yareysana Walbahaarka 

Talooyinku saabsan jimicsiga 

  • Soco 30 daqiiqo maalin kasta 
  • Orad yar samee ama baskiil wad 
  • Jimicsiga neefsashada iyo kala bixinta   jimicsaga joogtada ehi wuxuu  yareeyaa halista niyad jabka wuxuuna hagaajiyaa hurdada. 
Hurdada kugu filan 

Hurdo la'aantu waxay keeni kartaa, xanaaq, daal, iyo hoos u dhac ku yimaada awooda  fikirka . 

Qofka qaan gaarka ah wuxuu u baahanyahay 7 ilaa 9 sacadood oo hurdo ah habeenkii. 

Si aad u hagaajiso hurdada  

Sameey jadwal hurdo oo joogto ah ka fagow istimaalka taleefan ka ama computer hordada ka hor.

Cab cabitaannada Kulul sida shaah khudradeed  

Hurdada wanagsan maskaxda waxay siisaa jaanis ay ku nasto 

Cunto nafaqa leh cun

Cuntadu door weyn ayey ka ciyaartaa caafimaadka maskaxda. 

Nafaqooyinka omega-3, vitamin B iyo birta ayaa muhiim u ah shaqada maskaxda. 

Cuntooyinka waxtarka leh waxaa ka mida 

         Kaluunka 

          Lawska iyo sisinta 

         Khudaarta cagaaran 

Xirirka bulshada oo wanagsan 

Adanuhu waa noole bulsheed. Laxarirada qoyska ,saxiibada,iyo bulshada waxay xoojisaa dareenka,kalkacalka iyo kalsoonida .

Qofka go,doonsan wuxuu u nugulyahay niyad jab iyo walwal. 

Mareynta Walbahaarka

Walbahaarku waa qeyb ka mida nolasha, balse markii uu bato wuxuu wax yeelo ugeystaa maskaxda. Sida laga soo xigtay American psychological  association,  Walbahaarka joogta ehi wuxuu kordhin karaa khaterta cudurada maskaxda ku dhaca.

Kafogaanshaha  maandooriya 

Istimaalka khamriga iyo maandooriya kale wuxuu si toosa u wax yeeleeyaa maskaxda. 

Inkastoo qaarkood u arkan  xal ku meel gaar ah oo Walbahaarka lagu yareeyo , hada waxay keeni kartaa dhibaatoyin waqti dheera ah sida niyad jabka. 

Kashaqeey hormarka shakhsiyadeed 

Barashada xirfado cusub waxay maskaxda ka dhigaa mid firfircoon. Akhriska, qorida, barasha luuqada cusub,ama farsamo gacmeed ayaa kamida wax yaabaha maskada cubciya. 

Post a Comment

0 Comments