LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Daryeelka maqaarka gabdhaha (lady skin care)

 

 
Maqaarku waa qaybta ugu weyn jirka Bini aadanka, waxuuna door muhiim ah ka qaataa  illalinta jirka iyo quruxda qofka. 

Gabdhaha si gaar ah ayey ugu baahan yahiin daryeel maqaareed madaama eyla kulmaan  isbadalo badan sida qaangaarnimo, hormonal changes iyo qurxinta ( makeup) ,iyo saamaynta deegaanka . Daryeelka saxda ah ee maqaarka wuxuu ka yareeyaa dhibaatoyin badan sida finan, qalylka ,midabka oo isbadala,iyo gabow Hore.
Qormadaan  waxay ka hadlaysaa muhiimada ay leedaha daryeelka maqaarka gabadha ,nuucyada , maqaarka iyo habka  ugu fiican ee loo daryeelo.

Muhiimadda daryeelka maqaarka:
Daryeelka maqaarka ma aha arrin qurux kaliya
, balse waa arrin caafimaad. 
Marka maqaarka siwanagsan loo daryeelo, wuxuu noqda mid wanagsan caafimaad qaba,  dhallaaliya kana adkaysta cudurada. 

Sidoo kale gabadhaha daryeela maqaarkooda kalsoonida naftooda. 

Noocyada maqaarka :si loo helo  daryeel sax ah gabadhu waa inay Marka hor garataa nooca maqaarkeeda ,waxaa jira dhowr nuuc maqaar ah. 

Maqaar dufan leh: wuxuu soo saraa saliid badan wuxuuna u nugul yahay finan.

Maqaar qalalan: wuxuu dareemaa qalayl ,cuncun, Mar Marna dilaac .

Maqaarka isku dheelitiran:  ma aha mid aad u dufan badan ama u qalalan.

Maqaarka xasaasiyada leh:  sifudud ayuu uga falciliyaa waxyaabaha qaar sida saabuunta ama quraxda

Garashada nuuca maqaarkaga waxay ka caawinaysaa gabadha inay doorato alaab ku habon .
Nadaafada maqaarka: waa tiirka ugu muhiimsan daryeelka  maqaarka .
Gabadha waa inay wajiga dhaqdaa  ugu yaraan laba jeer malintii, subaxdii  iyo fiidki.
Maa in la istimaalaa sabuun ama cleanser  ku habon nuuc maqaarka. 
Sidoo kale  waa muhiim inan laistimaalin biyo aad u Kulul  madaama ay qalajin karaan wajiga. 

Istimaalka keemka (moisturizer )

Kareemka qoyaan siinta waa lama huraan 
, xitaa hadii maqaarku dufan leeyahay .

Ka hortaga qoraxda:qoraxdu waa mid kamida wax yaabaha ugu wax yeelada  badan maqaarka.
Waxay keeni kartaa gubasho, madmadow, iyo gabow Hore.

Istimaalaa cream ka qoraxda (suncream)

Waa mid aad u muhiim ah gaar ah ahaan markii la baxaayo maalintii. 
 
Cuntada u fiican maqaarka" 
Cuntadu waxay si toos ah u samaysaa caafimaad ka  maqaarka.
Qofku waa in uu cunaa cuntooyinka caafimaad ka leh sida qudaarta, Miraha,  kaluunka, lawska , cuntooyinka hudanka ku ah fitimiinada.

Cabida biyo badan maqaarka waxay kadhigtaa mid dhalaayo oo jilicsan. 

Iska illaali keemikada :waxay kuu keeni kartaa dhibaatoyin caafimaad iyo qayiraad.
Sidoo kale makeup waxaa fiican in la iska dhaqo hurdad ka hor,  si daldalloda maqaarka uusan kaaga xirin. 
Seexo hurdo kugu filan: hurdadu waxay door muhiim ah ka ciyaartaa daryeelkamaqaarka.
Marka qofku uu seexdo jirku wuxuu helaa waqti uu ku dayac tiro unugyada jirka. 



Post a Comment

0 Comments